Tedros Adhanom Ghebreyesus oo noqdey madaxa Hay'ada caafimaadka aduunka

Image

Hay'ada caafimaadka aduunka ayaa maanta u dooratey Tedros Adhanom Ghebreyesus, wasiirkii arimaha dibada Ethiopia madaxa mas'uulka ka ah ka jawaabista cudurada faafa sida Ebola iyo Zika.

Wareegii Sadexaad ee Doorashada taasoo 133 qof codadkooda dhiibtey ayaa 50 kamid ah waxay u doorteen Tedros Inuu noqdo madaxa Hay'adaas.

Sawaxan ayaa is-qabsadey markii uu wasiirkii hore ee wasaraada arimaha gudaha ka guuleystey David Nabarro 67 jir u dhashay wadanka Ingriiska iyo Sania Nishtar 54 jir dhakhtar ah oo isaguna ka yimid wadanka Pakistan.

Waa markii Taariikhda Hay'ada si furan codkooda u dhiibtaan halka markii hore guddi ka tirsan 186 wadan ee xubnaha ka ah ururkaan xulan jireen qofka noqonaya madaxeeda.

Tedros ayaa u sheegey xubnihii codkooda dhiibanyey in guusha uu gaarey tahay mid nasiib ah isaga oo xusey in walaalkiis isagoo 7 jir ah cudur u dhintey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM