Tedros Adhanom Ghebreyesus oo noqdey madaxa Hay'ada caafimaadka aduunka

Image

Hay'ada caafimaadka aduunka ayaa maanta u dooratey Tedros Adhanom Ghebreyesus, wasiirkii arimaha dibada Ethiopia madaxa mas'uulka ka ah ka jawaabista cudurada faafa sida Ebola iyo Zika.

Wareegii Sadexaad ee Doorashada taasoo 133 qof codadkooda dhiibtey ayaa 50 kamid ah waxay u doorteen Tedros Inuu noqdo madaxa Hay'adaas.

Sawaxan ayaa is-qabsadey markii uu wasiirkii hore ee wasaraada arimaha gudaha ka guuleystey David Nabarro 67 jir u dhashay wadanka Ingriiska iyo Sania Nishtar 54 jir dhakhtar ah oo isaguna ka yimid wadanka Pakistan.

Waa markii Taariikhda Hay'ada si furan codkooda u dhiibtaan halka markii hore guddi ka tirsan 186 wadan ee xubnaha ka ah ururkaan xulan jireen qofka noqonaya madaxeeda.

Tedros ayaa u sheegey xubnihii codkooda dhiibanyey in guusha uu gaarey tahay mid nasiib ah isaga oo xusey in walaalkiis isagoo 7 jir ah cudur u dhintey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM