Tillerson oo cambaareeyay Xaaladda Deg Dega ah ee lagu soo rogay Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson, ayaa cambaareeyay xaaladda degdega aha ee ay xukuumadda Itoobiya ku soo rogtay dalkaasi.

Mr Tillerson, ayaa ku baaqay in dadka la siiyo xurriyad balaaran. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson ayaa hadalkan ka jeediyay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waa lugtiisii kowaad ee booqasho uu ku mari doono shan dal oo ku yaalla qaaradda Afrika. Mr Tillerson ayaa soo dhaweeyay siideyntii dhawaan ay dowladda Itoobiya xabsiga ka siideysay maxaabiis.

Waxa uu intaa ku daray in uu rajaynayo in dadka loo ogolaan doono in si nabad ah ay u mudaaharaadaan. Ku dhawaad muddo saddex sano ah waxaa dalka Itoobiya ka socday dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Qaar ka mid ah dibadbaxyadaasi ayaa waxay isu badaleen rabshado waxaana xabsiga la dhigay kumannaan qof. Dibadbaxyada ayaa inta badan ka dhacayay gobolada oramada iyo Amxaarada.

Dibadbaxyada muddada dheer ka socday dalka Itoobiya ayaa waxay horseedeen in dowladda ay xabsiyada ka siideyso dad dhanka siyaasada u xirxirnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM