Tirada askarta Ruushka looga dilay dagaalka Ukraine oo la shaaciyay

Image
Baaritaan ay sameysay BBC-da ayaa lagu xaqiijiyay geerida tiro sideed jibaar ka badan inta ay xaqiijisay Moscow.

LONDON, United Kingdom - Tirada militariga Ruushka ee ku dhimatay Ukraine ayaa hadda dhaaftay 50,000 oo askari, sidda ay warisay BBC-da.

BBC-da Ruushka, kooxda warbaahinta madaxa banaan ee Mediazona iyo mutadawiciin ayaa tirinayey dhimashada tan iyo bishii Febraayo 2022.

Xabaalo cusub oo laga qodey meelo ay kamid tahay duleedka caasimada Moscow  ayaa gacan ka geystay in la helo  magacyada askar badan. 

In ka badan 27,300 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay sannadkii labaad ee dagaalka - sida ku cad baaritaanka warbaahinta BBC-da.Ruushku wuu diiday inuu ka hadlo kiiskan.

Tirada guud ee dhimashada - in ka badan 50,000 - ayaa sideed jeer ka badan qirashada rasmiga ah ee dadweynaha ee tirada dhimashada ee waligeed ay soo bandhigtay Moscow Sebtembar 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM