Tirada dhimashada qaraxyadii Ankara oo korodhay

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Tirada dadkii ku dhintay qaraxyo shalay ka dhacay magalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maraysa 95 ruux halka dhaawacu kor u dhaafayo labo boqol.

Ra'isul wasaaraha dalkaasi, Ahmed Davutoglu ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah, waxaana xalay dalkaasi ka dhacay banaan baxyo lagu cambaaraynayo falkii shalay dhacay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuu baajiyay safaro u qorsheynaa ka hor qaraxii dhacay, isagoo laamaha amniga dalkaasi ku amray in si deg deg ah loo soo qabto cidii ka dambaysay.

Wararka laga helayo xarumaha caafimaadka ee dhawacyada la dhigay ayaa sheegaya inay tirada dhimashu intaasi ka siyaadi karto maadaama ay jiraan dhawacyo culus.

Weerarkii ayaa shalay ayaa madaxda dalkaasi ku tilmaameen mid argagixiyo, maadama lala beegsaday dad si nabad galyo ah u dibad baxayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM