Tirada dhimashada qaraxyadii Ankara oo korodhay

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Tirada dadkii ku dhintay qaraxyo shalay ka dhacay magalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maraysa 95 ruux halka dhaawacu kor u dhaafayo labo boqol.

Ra'isul wasaaraha dalkaasi, Ahmed Davutoglu ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah, waxaana xalay dalkaasi ka dhacay banaan baxyo lagu cambaaraynayo falkii shalay dhacay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuu baajiyay safaro u qorsheynaa ka hor qaraxii dhacay, isagoo laamaha amniga dalkaasi ku amray in si deg deg ah loo soo qabto cidii ka dambaysay.

Wararka laga helayo xarumaha caafimaadka ee dhawacyada la dhigay ayaa sheegaya inay tirada dhimashu intaasi ka siyaadi karto maadaama ay jiraan dhawacyo culus.

Weerarkii ayaa shalay ayaa madaxda dalkaasi ku tilmaameen mid argagixiyo, maadama lala beegsaday dad si nabad galyo ah u dibad baxayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM