Tirada Saraakiisha Israa’iil looga dilay dagaalka Qasa oo kordhay

Image
Tirada dhimashada ciidamada Israa’iil tan iyo bilowgii dagaalka ayaa gaartay 598.

Qasa (GO) - Israa'iil ayaa shalay qiratay in laga dilay sarkaal kana dhaawacmeen 16 askari dagaallada ka socda koonfurta marinka Qasa. Sidaa darteed, dhimashada ciidamada Israa'iil tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii Oktoobar ayaa gaartay 598 dhimasho ah. u dhexeeya saraakiisha iyo askar.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in Alon Kudryashov, oo 21 sano jir ah kana tirsanaa ciidamada kumaandooska ee Egoz, lagu dilay dagaalo ka dhacay koonfurta Qasa.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askariga dhintay uu la socday koox kale oo ka tirsan ciidamada qeybta Egoz, oo howlo shaqo u joogay agagaarka isbitaalka Naasir ee Khan Yunis, waxaana la dilay markii xubnaha Xamaas ay gantaal RPG ah ku garaaceen dhismaha ay ku jireen.

Ciidamada Israa’iil ayaa intaa ku daray in 16 askari ay ku dhaawacmeen xilli 6 ka mid ah ay xaaladoodu liidato.

Haddaba, tirada dhaawacyada ciidamada Israa’iil tan iyo bilowgii dagaalka ayaa gaartay 3,165 isugu jira saraakiil iyo askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM