Haweenay ka shaqeysay Soomaaliya oo xil loo dhiibay

Image

TORONTO, Canada – Ra'iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa wareegto uu soo saarey 21-kii December wuxuu Faye E. McWatt ugu magacaabay kaaliyaha guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee gobolka Ontario.

McWatt ayaa waxay bedeleysaa Frank N. Marrocco kaasoo shaqadda ka fadhiistay 10-kii November ee sanadkan kadib 15 sano oo uu garsoore ahaa.

Sidda laga soo xigtay digreetadda, Trudeau ayaa rajeynaya in McWatt ay kasoo dhadhaali doonto waajibaadka loo idmaday, halka uu Marrocco u rajeeyay bedel wanaagsan ugana mahadceliyey shaqada uu dalka u qabtey.

McWatt ayaa kasoo jeeda dalka Guyana ee dhaca koonfurta Ameerika balse waxay Canada u soo haajirtay sanadka markii uu ahaa 1962.

Bachelor-keeda sharciga (LL.B.) ayay ka qaadatay Jaamacadda Ottawa sanadkii 1984 waxaana laga shaqaaleysiiyey baarka Ontario sanadkii 1986. Waaya-aragnimo yar ayay ku qaadatay maxkamadaha.

Sanadkii 1995, waxaa loo magacaabay inay wakiil ka noqoto Waaxda Caddaaladda dowladda federaalka ee Canadda iyadda oo waqtigaas bilowday in ay baarto dacwadaha dambiyada mukhaadaraadka ee federaalka.

McWatt waxay lataliye u noqotay guddiyo kala duwan oo baaris ah, oo uu kamid yahay Gudiga baaritaanada ee ku saabsan daabulista ciidamada Canada ee Soomaaliya. Waxay xubin ka ahayd Ururka Qareennada Dembiyada iyo Ururka Qareennada Madow ee waddanka Canada.

Sanadkii 2000, Kaaliyaha Madaxa Maxkamadda Sarre, McWatt, waxaa loo magacaabay Maxkamadda Sare ee gobolka Ontario, halkaas oo ay ku go'aamisay kiisas la xiriira dambiyo, qoys iyo sharciga madaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM