Trump: Iran waxay awood u leedahay inay soo saarto bam nukliyeer ah 35 maalmood gudahood

Image
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Iran aysan sameysan doonin hubka Nukliyeerka hadii uu ku soo laabto xafiiska.

Washington (GO) - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan ogolaan doonin in Iran ay sameysato bam Nukliyeer ah haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada ee soo socota, isagoo wareysi siiyay wargeyska “Israel Hayom”.

Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan waxa uu ka yeeli lahaa Iran, maadaama ay aad ugu dhowdahay in ay sameyso bamka nukliyeerka, Trump wuxuu yiri: "Hagaag, ma doonayo inaan kuu sheego taas, sababtoo ah uma maleynayo inay habboon tahay in la sheego.”

Waxa uu intaa ku daray in Iran ay 35 maalmood gudohood ay ku sameysan karto bam Nukliyeer ah. Balse Trump ayaa hadakiisa raaciyay, “Inta aan talada haayo ma yeelan doonaan Hub Nukliyeer ah, waxa ii haray 7 bilood oo aan xilka la wareegaayo, wax badan oo xun ayaa dhici kara mudadaas."

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa tilmaamay in “dhaqaalaha Iran uu burburay intii uu madaxweynaha ahaa, sababtoo ah cunaqabateynta uu saaray”.

Horaantii bishii Febraayo, warbixin uu soo saaray Machadka Sayniska iyo Amniga Caalamiga ah ayaa looga digay "khatarta Nukliyeerka Iran" waxaana lagu xaqiijiyay in Iran ay awood u leedahay inay soo saarto 6 bambooyin Nukliyeer ah bil gudaheed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM