​Trump iyo Abe oo u heshiiyay Kuuriyada Woqooyi

Image

Ra'iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegaya in isaga iyo madaxweyne Trump ay ku heshiiyeen in loo baahan yahay in lala tacaalo Kuuriyada Koonfureed sababo la xiriira gantaalkii ugu dambeeyay ee ay tijaabisay.

Ra'iisalwasaare Abe waxa uu sheegay in aysan isla soo hadal qaadin tallaabo milatari oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang.

Abe ayaa weriyeyaasha u sheegay in Trump uu uga mahadnaqayo go'aankiisa ku aadan Kuuriyada Woqooyi.

Kal hore, safiirka MareKal hore, safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa sheegtay in xilligii wadahadalka uu dhammaaday.

Nikki Haley ayaa sheegtay in aysan jirin sabab kalfadhi degdeg ah uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uga yeesha arrinta Kuuriyada Koonfureed, haddii bey tiri uusan ka dhalanayn qaraar cadaadis lagu saarayo Pyongyang.

Waxay intaasi ku dartay in Shiinuhu uu ku khasban yahay inuu go'aansado in uu doonayo in uu qaado tallaabo muhiim ah iyo in kale.

BBC

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM