​Trump iyo Abe oo u heshiiyay Kuuriyada Woqooyi

Image

Ra'iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegaya in isaga iyo madaxweyne Trump ay ku heshiiyeen in loo baahan yahay in lala tacaalo Kuuriyada Koonfureed sababo la xiriira gantaalkii ugu dambeeyay ee ay tijaabisay.

Ra'iisalwasaare Abe waxa uu sheegay in aysan isla soo hadal qaadin tallaabo milatari oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang.

Abe ayaa weriyeyaasha u sheegay in Trump uu uga mahadnaqayo go'aankiisa ku aadan Kuuriyada Woqooyi.

Kal hore, safiirka MareKal hore, safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa sheegtay in xilligii wadahadalka uu dhammaaday.

Nikki Haley ayaa sheegtay in aysan jirin sabab kalfadhi degdeg ah uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uga yeesha arrinta Kuuriyada Koonfureed, haddii bey tiri uusan ka dhalanayn qaraar cadaadis lagu saarayo Pyongyang.

Waxay intaasi ku dartay in Shiinuhu uu ku khasban yahay inuu go'aansado in uu doonayo in uu qaado tallaabo muhiim ah iyo in kale.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM