Trump iyo Erdogan oo Ammaanay Xiriirkooda

Image

Kadib markii ay talaadadii ku kulmeen Aqalka Cad, ayaa  madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Donald Trump iyo Recep Tayyip Erdogan waxa ay ammaaneen xiriirka xooggan ee labada dal, ayaga oo aan soo hadal qaadin farqigooda ku aadan habka loola dagaalamayo kooxda Daacish.

Trump iyo Erdogan ayaa labadaba ku qeexay xiriirkooda mid adag. “Waxaan leenahay xiriir aad u weyn” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka, “Waxaana ka dhigi doonnaa mid kasii wanaagsan sida uu hadda yahay”.

Labada madaxweynaba ma aysan ka hadal go’aankii uu Trump qaatay toddobaadkii tagay ee uu hubka ku siinayo kooxda Kurdish-ka ee YPG ee ka dagaalanta dalka Syria, qeybna ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Turkiga oo tan iyo sanadii 1984-kii la dagaalameysay mucaaradka Kurdish-ka ee gooni u goosadka ayaa walaac ka muujisay in kooxda YPG ay qeyb ka ahaato dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Erdogan ayaa ku dooday in xiriirka kooxda YPG ay la leedahay kooxda PKK uu macanheedu yahay in hub kasta oo Mareykanka kooxdaas uu siiyo la keeni doono Turkiga, lagulana dagaalami doono ciidamadiisa.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM