Trump iyo Erdogan oo Ammaanay Xiriirkooda

Image

Kadib markii ay talaadadii ku kulmeen Aqalka Cad, ayaa  madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Donald Trump iyo Recep Tayyip Erdogan waxa ay ammaaneen xiriirka xooggan ee labada dal, ayaga oo aan soo hadal qaadin farqigooda ku aadan habka loola dagaalamayo kooxda Daacish.

Trump iyo Erdogan ayaa labadaba ku qeexay xiriirkooda mid adag. “Waxaan leenahay xiriir aad u weyn” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka, “Waxaana ka dhigi doonnaa mid kasii wanaagsan sida uu hadda yahay”.

Labada madaxweynaba ma aysan ka hadal go’aankii uu Trump qaatay toddobaadkii tagay ee uu hubka ku siinayo kooxda Kurdish-ka ee YPG ee ka dagaalanta dalka Syria, qeybna ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Turkiga oo tan iyo sanadii 1984-kii la dagaalameysay mucaaradka Kurdish-ka ee gooni u goosadka ayaa walaac ka muujisay in kooxda YPG ay qeyb ka ahaato dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Erdogan ayaa ku dooday in xiriirka kooxda YPG ay la leedahay kooxda PKK uu macanheedu yahay in hub kasta oo Mareykanka kooxdaas uu siiyo la keeni doono Turkiga, lagulana dagaalami doono ciidamadiisa.

VOA

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM