Trump iyo Hillary oo guuleystay, Bush oo haray

Image

Xoghayihii hore arr. dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo ah musharraxa madaxtinimada xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku guuleystay doorashada dimoqraadiga ee gobolka Nevada.

Hillary Clinton ayaa ka adkaatay Senator Bernie Sanders, waxayna heshay 52% codadka dimoqraadiga, halka Sanders uu helay 48%.

 Gobolka South Caroline, musharraxa Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay doorashada isreebreebka xisbiga jamhuuriga, isagoo helay in kabadan 32%, waxaana kaalinta labaad galay Senator Marco Robio, halka uu kaalinta saddexaad galay Senator Ted Cruz. 

Musharraxa Jeb Bush oo ay walaalaha yihiin madaxweynihii hore George Bush ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada madaxtinimada, kadib markii uu ku guuldareystay inuu kaalin fiican ka galo doorashada South Caroline.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM