Trump iyo Kim John Un oo Kulan kale qorsheynaya

Image

NEW YORK - Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Arbacadii shalay sheegay in maamulku uu qorsheynayo wareego labaad oo shir heer madaxweyne ah oo uu la qaato hogaamiyaha K. Woqooyi Kim Jong Un, kaas oo xilli dhow shaaca laga qaadi doono.

Aroortii Arbacada ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo uu sheegay in uu isagu qorsheynayo shir-madaxeedkan, kaas oo laga yaabo inuu dhaco ka dib bisha October.

Pompeo ayaa Khamiista maanta ah ka hor hadli doona Golaha Ammaanka ee QM, arrimo la xiriira baabi’inta hubka nuclearka ee K. Woqooyi.

Shir jaraa’id ee magaalada New York ku qabtay, hawlo garab socda kulamada Golaha Guud ee QM ayaa madaxweyne Tump uu diiday inuu xaddido xilli go’an oo K. Woqooyi ay hubkeeda nuclearka ku baabi’inayso.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM