Trump: Kuuriyada Waqooyi waxay taageertaa Argagixisada

Image

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaaa.

Kulan golaha wasiirada, ayuu sheegay in dhaqaaqaasi bilaabi doono cunaqabatayno dheeraad ah oo "aad u balaadhan" oo la shaacin doono Salaasada.

Laakiin xoghayaha arimaha dibadda Rex Tillerson ayaa markii dambe qirtay in "saamaynta taabashada lihi laga yaabo in ay xadidnaato"

Trump wuxu canaantay barnaamijka nukliyeerka dalka iyo taageerada waxa uu ugu yeedhay dhacdooyinka caalamiga ah ee argagixisada.

Markuu ka shaaciyey go'aanka Aqalka Cad, madaxweynaha Maraykanka wuxu yidhi "inay mudo dheer ka hor dhacdo ahay ahayd"

Sebtember Maraykanku wuxu soo jeediyey silsilad qunaqabatayno Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi oo uu ku jiro xayiraad saliida ah iyo in la fadhiisiyo hantida hogaamiye Kim Jong-un.

Waxay daba socotay tijaabadii lixaad ee nukliyeer ee Woqooyiga iyo ridida gantaalaha lagu celceliyey.

Kuuriyada Woqooyi waxay ku biiraysaa Iran, Sudan iyo Suuriya liiska wadamada loo haysto in ay ku celceliyaan taageerada ay siiyaan falalka argagixisada caalamiga.

Wadanku wuxu hore ugu jiray liiska laakiin waxa ka saaray 2008 maamulkii George W Bush taas oo qayb ka ahayd wadahadalladii ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Woqooyiga.

Ololaha lagu celinayaa wuxu xoogaystay ka dib markii arday koolaj Maraykan ah Otto Warmbier dhintay in yar ka dib markii laga sii daayey jeelka Kuuriyada Woqooyi.

BBC

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM