​Trump oo amar kale dul dhigay soo galootiga

Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu saraakiisha xuduudaha u sheegay in ay si taxadar leh u baaraan dadka galaya dalka, iyadoo uusan wali shaqaynaynin mamnuucitaaankii socdaalka ee uu soo rogay.

Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan "mid adag" ayna iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii uu dhib dhaco.

Maalintii sabtida ayay maxkamadda Racfaanka faderalka waxay ku gacan seyrtay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaaalka ee uu saaray dalalka qaar.

Xanibaadan oo saameeyneysay dadka ka imaanayaa toddobo dal oo muslimiintu ay u badan yihiin ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay xaakim Mareykan ah.

Taasi oo micnaheedu tahay in amarkii Trump hakad la geliyay iyadoo dadka sita dal ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiskaasi si buuxda looga dhageysanayo.

Aqalka cad iyo labo gobol oo ka horyimid go'anka ayaa kama dambays loo qabtay malinti Isniinta ah si ay usoo gudbiyaan doodahooda.

Madaxweyne Trump ayaa si weyn u cambaareyay xaakimka James Roper tee oo is hortaagay go'ankiisa

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rumeysan la'yahay in xaakim uu dalka gelin karo xaalad qatar ah waxa uuna ku celceliyay in haddi ammaan darro dhacdo uu isagu masuuliyadda qaadi doono, sharcigana la soo taagi doono.

BBC

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM