Trump oo diiday inuu Muslimiinta la casheeyo habeenkii Ciidda

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jibiyay caado muddo 20 sano soo jirtay markii uu diiday inuu martigeliyo casho sharafeed munaasabadda Ciidda awgeed.

Aqalka Cad ayaa martigelin jiray munaasabaddan sanad kaste tan iyo markii uu Clinton ahaa madaxweynaha. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Rex Tillerson, oo wasaaradiisu lagu waday inay qabanqaabiso xafladan ayaa diiday, isagoon sharraxaad ka bixinin.

Bishii May, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay ku warrantay in Mr Tillerson uu diiday talo uu soo jeediyay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda u qaabilsan arrimaha diimaha oo ku taliyay in cashada Ciidul Fitriga la qabtaa sandkan sidii caadada ahaydba.

Mr Trump ayaa horay loogu dhaliilay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta oo uu jeediyay intii lagu jiray ololihiisa doorashada sida inuu ku baaqay in basaasid lagu sameeya masaajidada Muslimiinta.

Cashada habeenka Ciidda ee Aqalka Cad uu qaban jiray ayaa soo jirtay tan iyo sanaddii 1999, waxaana ka soo qeybgali jiray hogaamiyayaasha Muslimiinta caanka ah ee Mareykanka, diblomaasiyiin iyo mas'uuliyiin kale.

Trump ayaa haseyeeshee, war qoraal ah oo uu soo saaray ugu hambalyeeyay Muslimiinta u dabbaaldageysa Ciidda. Waxa uu sheegay in munaasabadan ay ``ina xasuusineyso ahmiyadda naxariista iyo samafalka`.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM