Trump oo guuldaro kale kasoo hooyey doorashadda

Image

WASHINGTON, US - Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadi gaashaanka ku dhufatay, isku daygi ugu danbeeyay ee ay Xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaaray gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.

Biden ayaa Pennsylvania tobanaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump, doorashadii madaxtinimada ee dhacday saddexdi bishii November ee aanu kasoo gudubnay.

Iyadoo aysan wax faah-faahin ah bixinin ayay Maxkamadda Sare diiday in ay joojiso hannaanka shahaadada qirista guusha lagu siinayo Joe Biden.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo dimoqraadi ah ayaa kal hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan December coddeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.

Joe Biden ayaa doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xirantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.

VOA

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM