Trump oo ka baxay Aqalka Cad, warqadna u dhaafay Biden

Image
Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, USA - Donald Trump ayaa ka hayaamay Washington iyo Aqalka Cad una kicitamay Florida saacado kahor inta uusan xika la wareegin Joe Biden kaas oo afhayeen u hadlay uu shaaciyey in madaxweynihii hore uu warqad u dhaafay hogaamiyaha afarta sano ee soo aadan majaraha u qaban doona Mareykanka. Balse ma shaacin fahfaahinta dhambaalkaas.

Warbaahinta ayaa ku warantay in warqadda ay ku qorneyd "Joe waad ogtahay in aan guuleystay".

Trump oo ahaa madaxweynihii 45aad ee Mareykanka ayaa talaabooyinkii ugu dambeegay ee uu qaadey kahor inta uusan xilka la wareegin waxaa kamid ah in uu cafiyey 76 oo uu ku jiro nin lataliye u ahaa kaasoo loo xukumah musuqmaasuq uu ku kacay intii ololaha socdey.

Biden oo Trump kaga adkaadey doorashooyinkii madaxtinimada Mareykanka ee November, 2020 ayaa noqonaya madaxweynihii 46aad ee Mareykanka, wuxuuna kamid yahay xisbiga dimuqraadiga.

Isaga oo banaanka Aqalka Cad ugu waramaya saxaafadda kahor inta uusan diyaaradu raacin, Trump ayaa "guul iyo nasiib wanaagsan u rajeeyay" maamulka cusub ee Biden.

Sidda ay warisay saxaafadda Mareykanka, Biden ayaa maalintiisa koowaad ee madaxtinimada Mareykanka wuxuu saxiixi doonaa 15 amar oo ay kamid tahay in xayiraadda socdaalka kaga qaado dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

Maamulkii Trump ayaa soo rogay xayiraadaas isla marka ah xafiiska kala wareegeen Barrack Obama. Biden wuxuu u muuqdaa mid isana talaabo noocaas ah ku dhaqaaqi doona.

Sikastaba ha ahaatee, Donald Trump ayaa wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Ameerikaan ah oo aan ka qeybgelin caleema-saarka iyo dhaarinta hogaamiyaha bedelaya kaasoo si dimuqraadi ah ay ku doorteen dadweynaha Mareykanka. Trump wuxuu si caddeyn la'aan ah ugu doodayaa in looga shubtey codadka doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM