Trump oo ka xanaaqay buugga Fire and Furry oo Clinton akhrisay

Image

WASHINGTON - Xubnaha kooxda la shaqaysa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay muuqaal laga duubay dad caan ah oo ay ka mid tahay Hillary Clinton, iyaga oo akhrinaya buugga Fire and Furry ee laga qorey Trump.

Muuqaalka ayaa waxaa sameeyay barnaamijka abaalmarinta fanka muusigga iyo heesaha oo sanadkiiba mar la qabton ee Grammy , ujeedkuna waxa uu yaahay maad iyo majaajilo.

Dadka muuqaalka kasoo muuqday waxaa ka mid ah heesaayaasha kala ah Cher iyo Snoop Dogg.

Wiilka uu dhalay Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay canjilaad, isaga oo buugga ku tilmaamay 'been lasoo dhoodhoobay.

Clinton ayaa waxa ay buugga ka akhrinaysaa tuduc dhahaya "waxa uu qabaa cabsi ah in la sumeeyo, taasna waa sababta uu wax uga cuno maqaayadda McDonalds, halkaas oo aysan ka warhaynin in uu tagayo, raashiinkana si fiican loosii diyaariyay".

Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa fariin ay soo dhigtey boggeeda Twitter-ka waxa ay ku sheegtay in bandhigga abaalmarinada Grammy ay waligeed jecleed, balse muuqaalka lasoo bandhigay uu nuxurkii ka qaaday.

"Qaarkeen waxaan jecelnahay heesaha haddii siyaasadda laga saaro," ayay intaas ku dartay.

Bandhigga Grammy ayaa sidoo kale lagu soo qaatay majaajilooyin kala duwan oo Trump lagu durayo.

Heesaayo kala duwan ayaa sidoo kale si furan u dhaleeceeyey hadalada Trump ee loo arkay isir nacaybka, gaar ahaan kuwii uu ka sheegay dadka madoow.

Related Articles

Erdogan oo ku yiri Madaxweynaha Iran: Ku xadgudubka Hawada Turkiga ma lahan wax cudurdaar ah

Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay tacsida uu u diray geerida Khamenei, wuxuuna muujiyay rajada ah in doorashada Mojtaba Khamenei.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 07:31PM

Turkiga oo Gantaaladda Patriot ee Mareykanka Rakibtay si uu uga Gaashaanto Khatarta Iran

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay xulafadiisa NATO.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 08:25AM