Trump oo ku baaqay in la toogto muhaajiriinta dila muwaadiniinta Mareykanka

Image
Hadalka madaxwaynihii hore Mareykanka wuxuu qeyb ka yahay ololahiisa naceybka ku dhisan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka soogalootiga ah ee dila muwaadiniinta Mareykanka ama xubnaha sharci fulinta ama laamaha amniga.

Hadalka kasoo yeeray Trump ayaa waxa uu qeyb ka yahay olole iyo isu soo baxyo hurin ah oo ka dhacay magaalada Aurora ee gobolka Colorado dalka Mareykanka.

Khudbadiisii ​​habeenkii Jimcaha, Trump, madaxweynihii hore Mareykanka, wuxuu ku been abuurtey dadka soogalootiga ah ee ku sugan Mareykanka, isaga oo mar kale ku ololeynaya hadalo naceyb ah.

"Hadda Ameerika waxaa adduunka oo dhan looga yaqaan Ameerika la haysto," ayuu u sheegay isu soo baxa, isagoo soo xiganaya "duullaan" muhaajiriin ah.

Trump ayaa sidoo kale soo bandhigay aragti dhab ah maalmihiisa ugu horreeya ee xafiiska, haddii dib loo doorto, iyadoo soo jeedinta siyaasadeed ay ku xiran tahay masaafurinta ballaaran.

Trump ayaa marar badan damcay inuu faquuqo dadka soogalootiga ah inta lagu guda jiro codbixinta, isagoo tilmaamaya kororka xuduudaha koonfurta ee maamulka madaxweyne Joe Biden, oo ah Dimuqraadi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM