Trump oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimada Israel

Image

Madaxweyne Doland Trump ayaa ku dhawaaqay in magaalada barakaysan ee Qudus ay tahay Caasimadda Israel, isagoona amray in Safaaradda Mareykanka laga soo wareejiyo Tel Aviv, loona raro Bariga magaaladaasi.

Hogaamiyaasha caalamka oo hay'ado kale duwan oo ay kamid tahay QM, ayaa sheegay in go'aanka Trump uu yahay mid mas'uliyadda darro ah, oo horseedayo colaadda iyo deganaansho la'aan gobolka Bari dhexe.

Madaxwenaha Turkiga Erdogan ayaa shaaciyay in dalkiisa uu xiriirka u jari doono Israel, iyadoo Ururka Jaamacadda Carabta ay shir deg deg ah ay isagu imaanayaan maalmaha soo socda magaalada Qaahira, si ay arintan uga hadlaan.

Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay go'aanka Trump, oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid shacabka Yuhuuda waligeed xasuusan doonaan, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan.

Trump ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii January, 2017 waxa uu soo saarey go'aano qalafsan, oo xanaf leh kuwaasi oo keenay inay kala fogaadaan Mareykanka iyo dalalkii xiriirka la lahaa, gaar ahaan kuwa Muslim-ka.

Israel waxay bariga Qudus iyo magaalooyin kale ka qabsatay Falastiin markii uu dhamaaday dagaalka ay la gashay Suuriya, Masar iyo Jordan 1967, mudo hadda 50 sano laga joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM