Trump oo lacag u raadinaya dhismaha darbiga xuduudda

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta la kulmi doona hogaamiyayaasha xisbiga dimoqraadiga, isaga oo dadaalkii ugu dambeeyey u sameynaya inuu maal-gelin u helo darbiga uu doonayo in laga dhiso xuduudda Mexico.

Trump ayaa doonaya in miisaaniyadda dowladda ee ay tahay in la ansixiyo ka hor 21-ka bisha December lagu soo daro lacagta dhismaha darbiga.

Miisaanaiyaddan ayaa noqon doonta sharcigii ugu dambeeyey ee ay ansixiyaan xubnaha congress-ka ee ay maamulaan Jamhuuriga, ka hor inta aysan sanadka cusub la wareegin dimoqraadiga.

Trump ayaa la kulmi doonaa hogaamiyaha aqlabiyadda yar ee senate-ka Chuck Shumer iyo midka aqalka wakiilada Nancy Pelosi, si uu eego inay heshiis ka gaari karaa lacagta shanta bilyan ee dollar ah ee ku baxeysa dhismaha darbiga.

Kulanka ayaa noqon doona tijaabadii ugu horreysay ee lagu eegayo in Trump uu wada xaajood dhinacyo badan ah la geli karo dimoqraadiga oo guulo-weyn ka gaaray doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka.

Labadii sano ee uu xukunka hayey Trump, ayaa waxaa labada aqal ee congress-ka maamulayey xisbigiisa Jamhuuriga.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM