Trump oo laga cabsi qabo inuu kashifo sirta mudadii uu xafiiska joogay

Image

WASHINGTON, US - Mas'uuliyiin haatan xil haya iyo qaar horey u soo qabtey ayaa ka cabsi qaba in Donald Trump uu kashifi doono sirta mudadii uu xilka hayey si uu ugu cabsi geliyo dowladaha ajnabiga ama shaqsiyaadka kale si uu ugu helo "macaash siyaasadeed".

Xilli ay tibaaxeen in tani ay dharbaaxo ku noqon doonto mukhaabaraadka Mareykanka, maamulka cusub ee madaxweynaha la doortey Joe Biden ayay ka dhawaajiyeen in ay caqabad ku noqon doonto.

Khuburadda ayaa tibaaxay in Trump uu u dhega-nugulaa warbixinada hay'addaha mukhaabaraadka mudadii uu xafiisja joogay, arrintaas oo ay ka dhawaajiyeen in ay sii kordhineyso walaaca qaba.

"Qof walba oo carooda wuxuu khatar ugu jiraa in uu kashifo macluumaadyo qarsoodi ah. Trump wuxuu ku sifoobay shaqsiyaadkaas," ayuu yiri David Priess, sarkaal hore oo ka tirsanaa Hay'adda CIA-da.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in Aqalka Cad uusan ka jawaabin dalab ku aadan in ay ka jawaabahaan walwalka mas'uuliyiinta.

Sidda laga soo xigtey warbixinta jaraa'idka, Trump ayaa 2017-kii u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka iyo safiirka u jooga Mareykanka in Washington ay aad u hubiso xogaha ku saabsan Daacish ee kaga yimaada xulafadeeda.

Joe Biden ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaga doorashooyinka 2020 ee Mareykanka, wallow Trump uu ku adkeysanayo in aan laga adkaan isla markaana uu ka dhursugayo go'aanka maxkamadda sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM