Trump oo Xariif ku tilmaamay Kim Jong-un

Image

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ‘nin aad xariif u ah’.

Isagoo la hadlayey Barnaamijka Face the Nation ee CBS, ayuu sheegay in Mr Kim uu awoodda qabsaday isagoo dhallinyar, uuna la macaamilay dad aad u qallafsan.

Wuxuu intaa ku daray in uusan ogsoonayn in ‘Kim uu maskax ahaan caafimaad qabo’.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa khaarajiyey adeerkiis, laba sano ka dib markii uu xukunka qabtay, waxaana la tuhunsan yahay inuu amray dilka walaalkiis ay isku aabbo ahaayeen.

“Dadku waxay leeyihiin: miyuu fiyow yahay? Ma garanayo…laakin wuxuu ahaa nin dhallinyar oo jiray 26 ama 27 markii uu aabihii dhintay. Wuxuu la macaamilayaa dad sida muuqata aad u qallafsan, gaar ahaan jeneraallada.

“Isagoo dhallinyar ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah” ayuu yiri Trump.

Waraysiga Trump ayaa ku soo beegmay ayadoo lagu guul darraystay gantaalkii 2aad ee nooca ballistigga ah ee la isku dayo in la gano laba usbuuc gudahood. Gantaalka ayaa qarxay in yar ka dib markii la ganay.

BBC

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM