​Trump: Putin Wuu ka Hoggaan Wanaagsan Yahay Obama

Image

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ammaanay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo uu sheegay inuu ka hoggaan wanaagsan yahay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Isaga oo ka hadlayey kulan dadweyne oo uu qabtay taleefishinka NBC, ayaa Trump waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in haddii uu madaxweyne noqdo uu xiriir wanaagsan la yeelan doono Putin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Mareykanka ay leeyihiin dan isku mid oo ah inay ka adkaadaan kooxda Daacish.

“Russia waxa ay si xun u dooneysaa inay ka adkaato ISIS, si la mid ah sida aan u dooneyno” ayuu yiri Trump oo intaas ku daray in haddii xiriir wanaagsan ay le yeeshaan Russia ay si qarka ka tuuri karaan Daacish.

Donald Trump ayaa dhinac kalena ku celiyey fikirkiisa ah in Mareykanka uu qabsado goobaha saliidda laga soo saaro ee dalka Ciraq.

“Haddii aan qabsano goobaha saliida, ISIS ma jireyso, sababta oo ah ISIS waxa ay ku aas-aasantay awoodda iyo lacagta saliidda” ayuu yiri Donald Trump.

VOA

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM