​Trump "Soomalida Daacish ayay ku biiraan"

Image

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa khudbad kulul oo uu jeediyay mar kale ku sheegay in waddankaasi laga mamnuuco Muslmiinta isagoo eedayn dusha uga tuuray dadka soo galootiga ah.

Ninkan sida weyn u neceb muslimka ayaa khudbiisa si gaar ah uga hadlay Soomaalida, wuxuuna sheegay inay yihiin dad usoo haajiray qaabkii ay ugu biiri lahaayeen Daacish, wuxuuna ku baaqay in wax laga badalo laanta socdaalka.

Wuxuu dhaliil usoo jeediyay siyaasadda Madaxweyne Obama, isagoo sheegay inuu yahay nin jilicsan oo siyaasadda ku fashilmay, isagoo ugu baaqay inuu sameeyo isbadal dag dag ah.

Dhinaca kale waxaa hadaladda Trump, hadashay murashaxa xisbiga Dimuqraadiga ee Hinlary Clinton, waxayna cambaaraysay dhammaan wax kasta oo uu ka sheegay Muslimiinta iyo Soomalida.

Hadallada Donald Trump, ayaa kusoo aday xilli weerar ka dhacay Orlando, lagu dilay in kabadan 50 ruux, waxaana falkaasi sheegatay kooxda Daacish oo tilmaamay in ruuxa fuliyay weerarkaasi uu iyaga ka tirsanaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM