Tunisia: 37 qof oo ku dhintey qarax lala beegsaday hoteel

Image

Masuuliyiinta Tunisia ayaa sheegay in ugu yaraan 37 qof lagu dilay weerar argagixiso oo lagu qaaday hotel saaran badda Mediterreanean-ka.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in dablay hubaysani ay rasaas ku fureen xeebta u dhow hotel-ka Imperial Marhaba oo ku yaalla magaalada Sousse oo ah goob caan ku ah dalxiisayaal ka yimaadda Yurub iyo dalalka kale Woqooyiga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha amnigu ay ka jawaabeen weerarka, isla markaana dadka dhintay uu ku jiro mid ka mida dadkii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiinta dalka Tunisia ayaa feejignaan dheeri ah ku jiray tan iyo bishii March, markii kooxaha xagjirka ahi ay weerar ku qaadeen goob madxaf ah iyaga oo ku dilay dalxiisayaal badan kaasoo noqonaya weerarkii ugu ba’naa ee dalkaas ka dhaca sannado.

Masuuliyiinta Tunisia ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay weerar argagixiso oo lagu qaaday hotel saaran badda Mediterreanean-ka.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in dablay hubaysani ay rasaas ku fureen xeebta u dhow hotel-ka Imperial Marhaba oo ku yaalla magaalada Sousse oo ah goob caan ku ah dalxiisayaal ka yimaadda Yurub iyo dalalka kale Woqooyiga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha amnigu ay ka jawaabeen weerarka, isla markaana dadka dhintay uu ku jiro mid ka mida dadkii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiinta dalka Tunisia ayaa feejignaan dheeri ah ku jiray tan iyo bishii March, markii kooxaha xagjirka ahi ay weerar ku qaadeen goob madxaf ah iyaga oo ku dilay dalxiisayaal badan kaasoo noqonaya weerarkii ugu ba’naa ee dalkaas ka dhaca sannado.

Xigasho: VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM