Tunisia: sagaal qof oo loo soo qabtey weerarkii matxafka Bardo

Image

March 20, 2015 (GO)- Laamaha ammaanka dalka Tunisia ayaa gacanta kusoo dhigey sagaal qof oo lagu soo eedeeyey inay wax ka ogaayeen weerarkii labo maalmood kahor lagu qaadey matxafka Bardo.

Weerarkaas oo mas'uuliyaddiisa kooxda Daacish ay sheegatey waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan 21 qof. Dadkaas 17 kamid ahi waxay ahaayeen dalxiiseyaal u kala dhashey wadammada: Poland, Japan, Italy, Australia, France, Spain iyo Colombia.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in laamaha ammaanku gacanta ku dhigeen afar kamid ahaa kuwii weerarka qorshihiisa lahaa iyo shan qof oo kale oo iyagana lagu tuhunsan yahay inay arrintaas wax ka ogaayeen.

Sidoo kale booliska ayaa shaaciyey magacyada labadii nin ee weerarka fuliyey kuwaasoo markii dambe la toogtey.

Labada nin mid kamid ah horay ayey sirdoonka Tunisia u baadi goobayeen waxayna magacyadoodu kala ahaayeen: Yassine Laabidi iyo Hatem Khachnaoui.

Mas'uuliyadda weerarkii dhacay Arbacadii (March 18, 2015) waxaa sheegtay kooxda Ansaru Sharica oo xiriir laleh ururka Daacish ee fadhigiisu yahay wadanka Ciraaq.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey noociisa ah ee lala beegsado dad dalxiiseyaal ah laga soo bilaabo sanadkii 2002, markaasoo afduubasho ka dhacdey jaziiradda Djerba lagu diley 21 qof oo dalxiiseyaal ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM