​Turkey: 15 ku dhimatay qarax ka dhacay Ankara

Image

Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay bartamaha caasumadda Ankara dalka Turkiga, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay 15 ruux 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Weerarkan ayaa ka dhacay bar ay istaagaan basaska ka dhex shaqeeya caasumadda, waxaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Falkan, waxaa durba sheegtay kooxda dagaalka kula jirta xukuumadda Ankara ee PKK.

Goobtan qaraxu ka dhacay, waxaa soo gaaray ciidamo katirsan Boliiska dalkaas, iyagoo dadaal ugu jira sidii loo daad gurayn lahaa dhaawacyada islamarkaana loo damin lahaa dab xooggan oo qaraxa ka dib saameeyay baabuur kala duwan oo goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda dhinaca dowladda cid hadashay majirto, balse wakaaladaha wararka dalkaas, ayaa baahiyay in saraakiil katirsan Boliiska dalkaasi ay cambaareeyeen weerarka iyagoo ku tilmaamay fal waxashnimo ah.

Weeraranka, ayaa yimi labo maalin kadib markii sarkaal katirsan Maraykanka uu ka digay qaraxyo caynkan ah isagoo shacabka uga digay inay goobahaas isugu yimaadaan.

Saddex asbuuc kahor ayay ahayd markii qarax noocaan oo kale ah lagu qaaday magalada Ankara kaasoo lagu dilay in kabadan 29 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM