​Turkey: 15 ku dhimatay qarax ka dhacay Ankara

Image

Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay bartamaha caasumadda Ankara dalka Turkiga, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay 15 ruux 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Weerarkan ayaa ka dhacay bar ay istaagaan basaska ka dhex shaqeeya caasumadda, waxaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Falkan, waxaa durba sheegtay kooxda dagaalka kula jirta xukuumadda Ankara ee PKK.

Goobtan qaraxu ka dhacay, waxaa soo gaaray ciidamo katirsan Boliiska dalkaas, iyagoo dadaal ugu jira sidii loo daad gurayn lahaa dhaawacyada islamarkaana loo damin lahaa dab xooggan oo qaraxa ka dib saameeyay baabuur kala duwan oo goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda dhinaca dowladda cid hadashay majirto, balse wakaaladaha wararka dalkaas, ayaa baahiyay in saraakiil katirsan Boliiska dalkaasi ay cambaareeyeen weerarka iyagoo ku tilmaamay fal waxashnimo ah.

Weeraranka, ayaa yimi labo maalin kadib markii sarkaal katirsan Maraykanka uu ka digay qaraxyo caynkan ah isagoo shacabka uga digay inay goobahaas isugu yimaadaan.

Saddex asbuuc kahor ayay ahayd markii qarax noocaan oo kale ah lagu qaaday magalada Ankara kaasoo lagu dilay in kabadan 29 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM