Turkey: 55 milyan oo u dareeray doorashada baarlammaaniga ah

Image

June 7, 2015 (GO)- Doorashada guud ee baarlammaaniga ah ayaa maanta ka dhacaysa dalka Turkiga. 55 milyan oo qof  ayaa ka qayb gelaya doorashada, waxayna udub dhexaad u tahay isbeddel la doonayo in lagu sameeyo dastuurka Turkiga.

Afar xisbi siyaasadeed ayaa tartamaya, balse xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka ayaa dadaal ugu jira sidii uu doorashada guul uga soo hoyi lahaa.

Haddii xisbiga talada hayaa kuraas badan ka helo baarlammaanka, waxaa u fududaan doonta in la bedelo qodobada dastuurka ee xaddidaya awoodda madaxweynaha.

Dastuurka Turkiga ayaa awoodaha maamulka iyo go'aan gaarista siinaya Ra'isal Wasaaraha, halka madaxweynaha xilkiisu yahay mansab sharafeed. 

Gelinka dambe ee maanta ayey doorashadu soo gaba gaboobi doontaa, isla caawa ayaana la shaacin doonaa natiijada hordhaca ah ee doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

"Naxariis-darro": Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo dalal shisheeye loo masaafuriyay markii la sii daayay

Falanqeeyayaal ayaa sheegay in masaafurinta khasabka ah ay jebinayso xuquuqda jinsiyadda ee maxaabiista la sii daayay.

  • Caalamka

    13-10-2025

  • 12:15PM

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM