Turkey iyo Djibouti oo heshiis ganacsi kala saxiixdey

Image

January 24, 2015 (GO)- Dowladaha Turkey iyo Djibouti ayaa kala saxiixdey heshiis ganacsi iyagoo sidoo kale isku afgartey inay iskaashi fiican ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, caafimaadka iyo waxbarashada.

Heshiiska oo ka dhacay madaxtooyada Djibouti waxaa labada dhinac u kala saxiixay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Turkey Recep Tayyib Erdogan oo xiligan dalkaas booqasho ku jooga.

Booqashada Erdogan ku marayo Geeska Afrika oo qaadan doonta muddo todobaad ah waxaa dalalka uu ku marayo kamid ah Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Somalia oo maalinta berri ah lagu wado inuu soo gaaro.

Wafdiga Madaxweynaha Turkey oo ka kooban in ka badan 100 xubnood waxaa ku jira wasiiro iyo tobanaan maalgashadeyaal ah oo Turkish ah.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey ku hawlanaa sidii uu iskaashi xoogan oo dhinacyo badan leh ula sameysan lahaa dalalka Geeska Afrika. Arimaha Turkigu aadka u daneynayo waxaa ugu muhiimsan maalgashiga iyo in badeecooyinkiisa uu suuq uga helo Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM