​Turkiga: 11 ku dhimatay qarax gaari

Image

ISTANBUL- Wararka ka imaanaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qarax lala eegtay bas ay wateen ciidamo kamid ah booliiska dalkaas, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la hubo waxaa dhintay 11 ruux oo todoba kamid ah ciidanka Boliiska yihiin, halka dhaawacu gaarayo ilaa 36 ruux.

Baabuurta gargaarka gurmadkja ayaa ku cararayey degmada Vezneciler ee qaraxa uu ka dhacay oo ku dhow jaamacadda Istanbul iyo goobta loo dalxiiska tago ee Bayezit.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse waxaa dhawr jeer oo hore falal caynkan ah u fuliyay mallayshiyaad katirsan IS iyo PKK.

Sawirro laga soo qaaday goobta weerarku ka dhacay, ayaa muujinayay khasaaro xooggan oo soo gaaray baabuurkii ciidanku wateen.

Ciidamo badan ayaa durba goobta yimi, waxayna bilaabeen baaritaanno lagu xaqiijinayo falkaas.

Gaariga qarxay ayaa mid horay loo sii diyaariyay kaasi oo la dhigay wadada dhinaceeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM