​Turkiga: 11 ku dhimatay qarax gaari

Image

ISTANBUL- Wararka ka imaanaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qarax lala eegtay bas ay wateen ciidamo kamid ah booliiska dalkaas, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la hubo waxaa dhintay 11 ruux oo todoba kamid ah ciidanka Boliiska yihiin, halka dhaawacu gaarayo ilaa 36 ruux.

Baabuurta gargaarka gurmadkja ayaa ku cararayey degmada Vezneciler ee qaraxa uu ka dhacay oo ku dhow jaamacadda Istanbul iyo goobta loo dalxiiska tago ee Bayezit.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse waxaa dhawr jeer oo hore falal caynkan ah u fuliyay mallayshiyaad katirsan IS iyo PKK.

Sawirro laga soo qaaday goobta weerarku ka dhacay, ayaa muujinayay khasaaro xooggan oo soo gaaray baabuurkii ciidanku wateen.

Ciidamo badan ayaa durba goobta yimi, waxayna bilaabeen baaritaanno lagu xaqiijinayo falkaas.

Gaariga qarxay ayaa mid horay loo sii diyaariyay kaasi oo la dhigay wadada dhinaceeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM