​Turkiga oo codsaday soo celinta Fethula Gulen

Image

Ra'iisal-wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay Turkiga inuu u baahan yahay inuu hubiyo ammaankiisa boqolkiiba boqol, ka dib markii uu guuldaraystay afgambigii milatariga ee dhacay Jimcihii.

Wuxuu balanqaaday dhaqdhaqaaqa ay dowladda ku eedaynayso afgambiga in la baabi'in doono.

Mr Yildirim ayaa sheegay in codsi loo diray Maraykanka oo lagu codsanayo inay soo musaafuriyaan hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa ee Fethula Gulen. Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.

Ra'iisal-wasaaraha ayaa ku adkaystay Turkiga in sharci lagu maamulo, wuxuuna dadka u sheegay inaysan samayn aargudasho.

Kumanaan ciidamo, boliis iyo shaqaalaha cadaalada ayaa shaqada laga cayriyay ama la xiray.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM