​Turkiga oo qabtay 400 oo xiriir la leh Daacish

Image

Saraakiisha Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay inay qabteen 400 oo ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin Ururka Daacish ee ka dagaalama Iraq iyo Syria.

Dadkan oo qaarkood ah Ajbaniyihiin ayaa lagu qabtay howlgallo lagula dagaallamayo Argagaxisada oo laga sameeyay lix gobolka oo kamid ah dalkaasi.

Ciidamada Turkiga waxay sheegeen inay xoojiyeen amniga waxii ka dambeeyay weerarkii Daacish ka geesteen Hotel-ka Reina ee magaalada Istanbul billowga sanadkan.

Ururka Daacish ayaa qiratay weerarka Reina oo ay ku dileen dad kasoo jeedo waddamada reer galbeedka, oo ka qeybgalayay dabaaldega sannadka 2017-ka.

Barlamanka Turkiga ayaa siiyay Madaxweyne Erdogan Awoodo dheeraad ah, si uu wax uga qabto amni darrada iyo weerarada dalkaasi oo ay geysanayaan PKK iyo Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM