​Turkiga oo shaqada ka cayriyay 15000 oo ruux

Image

Wali waxaa socda dadaallada xukuumadda Ankara ku baacsanayso dadkii ku lug lahaa Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii Jullay ee sannadkan 2016.

Dowladda ayaa shaqada ka carayrisay 15000 oo qof kuwaasoo lala xiriirinayo inay wax ka ogaayeen tallaabadii lagu doonayay in xilka looga tuurayo Recep Tayyip Erdogan.

Dawladdu waxaa kale oo ay albaabada u laabtay sagaal warbaahin oo hor leh, sideed iyo toban hay'ado gargaar iyo in kabadan shan boqol oo urur.

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxaa sidoo kale meesha laga saaray tobanaan kun oo ruux oo taageersanaa Fethullah Gulen, kuwaas oo madaxwayne Recep Tayyip Erdogan uu ku eedeeyay in ay maleegeen afgambigaas.

Turkiga ayaa wali baacsanaya dadka xiriirka la leh wadaadka baxsadka  ah ee ku sugan Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM