​Turkiga oo shixnad gar-gaar ah u diray Somalia

Image

Dowladda Turkiga ayaa 11 tan oo gargaar ah Axaddi, u dirtay Somalia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta hay’adda masiibooyinka iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga.

Fuat Oktay, oo gudoomiye u ah hay'addaasi sheegay in markabka sida gargaarka uu ka shiraacday dekadda Haydarpasa, ee  magaalada Istanbul.

Fuat, ayaa sheegay in muddo 5 sano ah ay caawinayeen Somalia, lana rajaynayo in 15 cisho gudahood uu gargaarkaas ku gaaro.

Turkiga ayaa lacag dhan 500, oo milyan oo dollar ku bixiyay gargaarka uu siiyay dalka Somalia muddadii uucaawinayay.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli baahi badan iyo barakac uu ka dhacay qaybo kamid ah dalka Somalia, kuwaasi oo sabab u noqdeen colaadaha iyo abaaraha ka jira meelo badan oo waddanka ka mid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM