Turkiga “Waan soo geba-gabaynay howlgalkii Suuriya”

Image

Xukuumadda Turkiga ayaa ku dhawaaq inay soo af-meertay howlgal qaatay in kabadan 7 bilood oo ka socday gudaha waddanka Suuriya.

Ra’isal wasaaraha dalkaas ayaa warbaahinta u sheegay inuu guulaystay qorshahoodii ay ugu magac dareen Furat ee ka dhanka ah Daacish.

Binali Yildirim, wax faah faahin ah kama bixin sababta keenta in Turkigu soo afmeero howlgalkiisii ka dhanka kooxaha kasoo horjeeda xukuumadda Ankara iyo Daacish ee mudada badan ka socday dalkaas.

“Howlgalkii Gabbaadka Furat waxa uu ahaa mid guuleystay, waana lasoo geba gebeeyey. Howl-gal kasta oo midkan ku xiga waxa uu yeelan doonaa magac kale,” waxaa sidaasi taleefishinka NTV u sheegay ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Dullaanka oo billowday bishii August ee sanadkii tagay, ayaa ciidamada Turkiga diiradda ku saareen magaalada Jarablus oo ay maamulaysay kooxda Daacish.

Daacish ayaa waqtigaas gacanta ku haysay dhul 40 KM ah oo ku teedsan xuduudda Turkiga, hase yeeshee waa laga saaray dhammantood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM