​Turkiga oo weerar galaaftay nafta 38 qof ku eedeeyay Kurdiyiinta PKK

Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Labo qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku naf waayay 38 qof oo u badan ciidamo ka tirsan booliska dalkaasi.

In kabadan 160 qof oo kale ayaa qaraxyadaasi ku dhaawacantay.

Qaraxa ugu horreeyay ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday bas ay wateen ciidamada booliska ka hortagga rabshadaha oo yiilay bannaanka kore ee garoon kubadda cagta lagu cayaaro, waxa uuna dhacay saacad uun kaddib markii halkaa lagu soo gaba-gabeeyay cayaar.

Daqiiqado kaddib qarax kale oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay goob ka ag dhow garoonka oo baabuurta la dhigto.

Rasaas ayaa dhacday kaddib markii uu dhacay qaraxa labaad.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegay in toban qof loo soo xiray qaraxyadaasi.

Maamulka dalka Turkiga wuxuu sheegayaa in weerarkaasi ka dambeeyaan kurdiyiinta PKK.

Kurdiyiintu kama hadlin weerarkaas lagu eedeeyay inay iyagu ka dambeeyeen.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, wuxuu sheegay in dalkiisa uu ka adkaan doono argagixisada.

Sannadkan dhammaadka ah, waxaa dalkaas ka dhacay weeraro is-xig xigay oo inta badan lala eegtay goobo muhiim ah oo ay ku jiraan xarumo ciidan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM