Turkish Airline oo dulaamadyo ka bilaabeysa magaalada Hargeysa.

Image

Wasiirka duulista hawada Iyo gaadiidka cirka Cismaan Cabdulaahi Saxaradiid (Cadaani) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirikada diyaaradaha ee Turkish Airline.

Waftigan oo ahaa sahan indho indhayn ah ayaa noqonayaa mas'uuliyiintii ugu horaysay ee ka socda shirikadaas ee yimaada caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Kulankan waxaa wasiirka ku weheliyey agaasimaha guud ee wasaaradda duulista Somaliland Cumer Cabdulahi Aadan, Agaasimaha waaxda duulimadyada Siciid Mahadi Ileeye (Saqiiro), maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Dhinaca kale waftiga shirikada Turkish Airlane, waxaa hogaaminayey qunsul ku xigeenka xafiiskooda ee Hargaysa, laba khabiir oo duulimaadyada ah.

Kulankaan ayaa markii uu dhamaadey waxaa ka warbixiyey wasiirka duulista oo yiri: 

“Maanta oo ay bishu tahay 05/12/2015, waxaa halkan noogu yimi shirkada Turkish Airlines, waxaanay runtii danaynayaan inay ka mid noqdaan diyaaradaha yimaada Somaliland, gaar ahaan madaarkan Hargeiysa ee Egal International Airport ,waanu wada hadalnay waxaanu isla garanay inaanu siino wax alla iyo wixii macluumaad ah ee madaarku leeyahay ee ay u baahan yihiin, iyagana aanu ogaano waxay ka rabaan Somaliland.”

“inaanu anaguna markaa ka fekerno anagoo eegayna waxay dalka ku soo kordhinayaan, haday maalgalin tahay Madaarada, iyo haday tahay xaga shaqaalaha wasaaradaba, inaanu siino fasaxii ay ku imanayeen Egal International Airport.” ayuu yiri wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata.

Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa oo dhowaan la dhisey ayaa waxaa maalgalintiisa bixisey dowlada wadanka Kuwait.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM