​Uganda: Natiijada doorashada oo lagu dhawaaqay

Image

Guddiga doorashada dalka Uganda, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday dalkaas, waxaana codadkii la dhiibtay ugu badnaan helay madaxweynaha hada talada haya Yoweri Museveni. 

Museveni, ayaa helay %63, waxuuna markii shanaad noqonayaa hogaamiyaha dalka Uganda, isagoo sii dheeraysanaya waqtiga dheer ee hada maraya 30-ka sano. Ninka dhan mucaaradka ugu cad-cad Kizza Besigye, ayaa ilaa hadda haysta %34 codadkii la tiriyay.

Natiijada, ayaa lagu dhawaaqay xilli korjoogtada Midowga Yurub ee dalkaasi dhaleeceeyeen qaabka codayntu u dhacday, waxaana xildhibaan kasocda Barlamanka Yurub Jo Leinen uu sheegey in doorashadu u dhacday qaab aan cadalad ahayn, islamarkaana ku qabsoomtay jawi cabsi iyo cago juglayn isugu jirta. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM