​Uganda oo ciidamo cusub usoo dirtay Somalia [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Uganda ayaa dalka Somalia usoo dirtay ciidamo cusub oo qayb ka noqon doono howlgalka AMISOM, waxayna guutada la keenay badali doontaa kuwo kale oo lal sheegay inay guteen waajibaadkii saarnaa.

War kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadan ka howgali doonaan gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo ay sugi doonaan amniga islamarkaana ka saari doonaan kooxda Al Shabaab.

Ciidamadan ayaa la xusay inay aad uga diyaarsanyihiin kuwii hore islamarkaana lasoo siiyay tababar sare, waxayna ka midyihiin ciidamada dalkaasi ee UPDF.

Taliyaha ciidamada Uganda Brig. Sam Okiding, ayaa xusay inay ku rajo weynyihiin sidii howgalkoodu u noqon lahaa mid guulaysta inkastoo uu sheegay inay ogyihiin khataraha kaga imaan kara dhinaca kooxda Al Shabaab, isagoo tilmaamay inay aad u diyaarsanyihiin islamarkaana isaga filanyihiin dhib kasta oo soo foodsaara.

Dalka Uganda ayaa ah waddanka ugu badan ee ciidamadiisu joogaan Somalia, waxaana ku sugan ku dhawaad 7 Kun oo askari.

Bishii September ee sannadkii hore ayaa weerar kooxda Shabaab soo qaaday waxay ku beegsadeen saldhig ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Jannaale halkaasoo ay ku dileen ciidamo badan xeradiina la wareegeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM