Uganda oo heshay xog ku saabsan weerarro Al-shabab qorsheynayso

Image

April 4, 2015 (GO)- Dowladda Uganda ayaa xaqiijisey inay jirto khatar dhanka ammaanka ah maadaama la helay xog ku saabsan weerar Al-shabaab qorsheynayso inay ka fuliso magaalada Kampala.

Taliyaha booliska Uganda, Gen. Kale Kayihura ayaa sheegay inay heleen macluumaad sir ah oo la xiriira weerar argagixiso oo Al-shabaab damacsan tahay inay ka fuliso goobo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Kampala.

Gen. Kayihura ayaa sidoo kale sheegay in heegan la geliyey ciidamada ammaanka ismarkaana ammaanka goobaha dadku isugu yimaadaan si weyn loo adkeeyey.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa labo maalmood kaddib markii koox Al-shabaab ka tirsani weerartey jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya. Weerarkaas waxaa ku dhintey 147 qof oo ardey u badnaa ku dhowaad 80 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Todobaadkii lasoo dhaafay safaaradda Maraykanka ee dalka Uganda ay digniin kasoo saartey weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala, weerarradan oo suuragal ay tahay in lagu bartilmaameedsado dadka kasoo jeeda wadamada reer galbeedka. 

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

July 11, 2010, qaraxyo ka dhacay labo goobood oo ku yaalla  Kampala laguna daawanayey ciyaaraha kubadda cagta ee Koobka Aduunka waxaa ku geeriyoodey 74 qof tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Mas'uuliyadda labadaas qarax waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab ee fadhigiisu yahay dalka Soomaaliya. Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askarioo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Miwoga Africa uu ka wado Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo AMISOM. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM