UK: 22 qof Caruur ku jirto oo ku dhintey weerar Ismiidaamin ah

Image

Manchester-  22 qof Caruur yar yar ah ay ku jirto ayaa habeenkii xalay ku dhintey weerar ismiidaamin ah oo ka dhacey goob lagu daawanayey Heesaa u dhashay dalka Mareykanka magalaada Manchester cariga dalka Ingriiska.

Weerarkaan oo ay ku dhaawacmeen sidoo kale 59 qof ayaa waxaa fuliyey qof iska soo buuxiyey waxyaalaha qaraxa kasoo ciidamada amniga dalka Ingriiska diideen iney sheegaan halka uu ka yimid dhalasho ahaan iyo degaan-ba.

Heesaaga u dhashay dalka Mareykanka Ariana Grande ayaa dhameeyey riwaayadiisa markii qaraxan uu dhacacayey kaasoo la sheegey in lala beegsadey irida hore ee laga baxo goobtaas.

Dadka degaaan ahaan ka ag dhowaa goobta qaraxa ka dhacey ayaa sheegey in sharqan weyn laga maqley Halkaas taasoo ruxdey guryahoooda.

 Ra'isal wasaraha dalka Ingriiska Theresa May ayaa sheegtey in ciidamada amniga ka shaqeyn ayaan sidii loo ogaan lahaa dadkii ka dambeyeey werarkaan waxshimanimada ah.

Ururka ISIS ayaa sheegtey mas'uuliyada qaraxa habeenkii xalay ka dhacey dalka Ingriiska halkaasoo aheyd goob lagu daawanayey Heesaa u dhashay dalka Mareykanka.

Warkaan dib ayaa loogu darey sheegashada ururka ISIS. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM