UK: Booliiska oo Aqoonsaday nin Qarax ku dilay 22 qof

Image
Image
Image
Image

Weerar ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday magaalada Manchester ee carriga Ingiriiska ayaa lagu dilay 22 qof waxaana lagu dhaawacay 64 kale, kadib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday goob uu kasocday bandhig faneed.

Illaa saddex ruux oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkaas ayaa la qabtay, saacado kaddib markii uu weerarka dhacay.

Baaritaan xoog leh ayaa ka socda gudaha magaalada Manchester, waxaana la aqoonsaday qofkii ka dambeeyay weerarkaas, kaasoo la baahiyay sawirradiisa.

Booliiska UK ayaa sheegay in Ninkii isku qarxiyay goob ay ka socotay bandhig faneedka habeenkii Isniinta uu ahaa Salmaan Cabaadi.

Salmaan ayaa ka soo jeeda qoys reer Liibiya ah, oo ka soo qaxay nidaamkii Qadaafi islamarkaana deganaa magaalada qaraxu ka dhacay.

Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 22 sano jir ayaa Saddex Todobaad kahor kasoo laabtay dalka Liibiya.

Sirdoonka UK ayaa gacanta ku haya baaritaan la xariira socdaalka ninkaas, waxaana hadda soo gaaray xogo sheegay in da’yarkaas lagusoo tashkiiliyadeeyay dalkaas.

Booliiska France oo imminka ka gacan siinaya UK weerarkaas, ayaa aamnisan in Salmaan uu booqday Suuriya waloow aan caddayn rasmi ah loo hayn.

Heerka feejignaanta ee Britain ayaa la gaarsiiyay meeshii u saraysay, taas oo ka dhigan in ay macquultahay in weerarro kale qarka soo saaran yihiin

Dowlada Britain ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dalkaasi kaddib weerarkii Manchester.

Arrintani oo ah mid dhif iyo naadir ayaa waxaa ku dhawaaqday ra'iisul wasaarah dalka ingiriiska Theresa May oo sidoo kale sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Britain kaddib markii qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay khatarta dalka ka soo wajaheyso argagixisada, taasi oo ka dhigan in weeraro horleh ay dalka ka dhici karaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM