UN-ka oo cambaareeyay talaabo uu qaadey Donald Trump

Image

WASHINGTON, US – Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhaleeceeyay madaxweyne Trump in toddobaadkan uu cafis u fidiyay afar ilaalo oo ka tirsanaa shirkadda Blackwater kuwaasoo loo xukumay dilka dad rayid ah oo reer Ciraaq ah. Xafiiska wuxuu ku andacoonaya in talaabadda Donald ay gacan ka geysaneyso "in aan la ciqaabin dambiileyaasha".

"Waxaan aad uga walaacsanahay cafiska madaxweynaha Mareykanka uu dhawaan u fidiyay afar ilaaliye oo ka tirsan shirkada militariga ee gaarka loo leeyahay ee Blackwater kuwaasoo lagu xukumay dilka 14 qof oo rayid ah oo reer Ciraaq ah," ayaa lagu yiri bayaanka afhayeenka xafiiska xuquuqul insaanka ee UN-ka, Marta Hurtado.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Afartan qof ayaa lagu xukumay inta u dhaxeysa 12 sano ilaa xabsi daa'in, oo ay ku jiraan eedeymo la xiriira dil heerka koowaad ah. Cafiskooda ayaa waxay gacan ka geysaneysaa ciqaab la'aanta waxayna leedahay saameynta ku dhiirrigelinta kuwa kale inay dambi noocaas ah galaan mustaqbalka".

Afarta nin waxay ahaayeen qandaraaslayaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka 2007-dii markii ay rasaas ku fureen goob ay dad badan joogeen - halkaasna waxaa ku dhintay 14 Ciraaqiyiin ah oo uu ku jiro canug. Qareenada difaacaya ragga ayaa ku dooday in ay rasaas kaga jawaabayeen weerar gaadmo ah oo kaga yimid kooxaha kacdoonka Ciraaq.

Nicholas Slatten waxaa loo xukumay dil, halka Paul Slough, Evan Liberty iyo Dustin Heard loo xukumay dil bareer ah sanadkii 2014 kadib dacwad muddo bilo qaadatay kana socotay maxkamada federaalka ee Washington.
Taageerayaasha ragga ayaa ku dooday in ciqaabta ay ahayd mid xad dhaaf ah isla markaana xeer ilaalinta ay "sawirka guud hareer-martay".

Aqalka Cad ayaa qoraalka cafiska Donald Trump ku sheegay in Maxkamadda ay ogaatay in aysan jirin caddeymo dheeri ah.

"Intaas waxaa wehlisa, dacwad oogayaashu waxay dhawaan shaaciyeen - in ka badan 10 sano kadib dhacdada - in hogaamiyaha baaraha Ciraaq, oo dacwad oogayaashu ay si aad ah ugu tiirsanaayeen si loo xaqiijiyo in aysan jirin dhibanayaal muqaawamo ah iyo uruurinta cadeymaha, laga yaabo inuu xiriir la lahaa kooxaha kacdoonka laftooda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Qaramada Midoobay wuxuu ugu yeeray Mareykanka "inuu cusbooneysiiyo balanqaadkiisa la dagaalanka ciqaab la'aanta xadgudubyada guud ee xuquuqda aadanaha iyo xadgudubyada halista ah ee qaanuunka caalamiga ee bani'aadamnimada, iyo sidoo kale inuu kasoo dhalaalo doorkiisa si loo hubiyo in lala xisaabtamo dambiyada noocaas ah [mustaqbalka dhow]".

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM