​UN-ka "Todobo boqol ayaa todobaadkii hore geeriyootay"

Image

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay dhibaatada xooggan ee haysatada qaxootiga magangalyo doonka ah ee raadinaya inay gaaraan waddamada reer Yurub, waxayna sheegeen in todobaadkii hore oo qura geeriyoodeen in kabadan 7 boqol qof.

Dadkan, ayaa Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa sheegtay inay dhinteen kadib markii ay qarqoomeen doonyihii ay la socdeen todobaadkii hore gaar ahaan Arbacadii, Khamiistii iyo Jimcihii.

Dhacdooyinkan ayaa ka dhacay, Koonfurta dalka Talyaaniga, waxaana boqolaalka ruux ee dhintay kasoo jeedaan waddamada dhibaadu ka jirto.

Gabadha afhayeenka u ah hey'add qaxootiga Qaramada Midoobay, Carlotta Sami, ayaa sheegtay in muhaajiriinta geeriyooday qorshaynayeen inay doonyo ku galaan waddamada Yurub, balse taasi u saamaxin waxqtigu.

Mid ka mid ah doonyaha badda ku dagay ayey kaameradu qabatay iyadoo markab Talyaanigu leeyahay uu badbaadiyay badi rakaabka.

Tiro lagu qiyaasay boqol ruux oo saarnaa markabka, ayaa la la'yahay.

Masiibada ugu badan, ayaa qaxootiga u haajiraya waddamada Yurub kasoo wajahdaa badda Mediterranean -ka, waxaan sannadkan hal waqti geeriyooda in kabadan 400 oo ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM