​UN: Yemen waxaa ka dillaacay daacuunkii ugu xumaa

Image

QM ayaa sheegeysa in tirada kiisaska loga shakisan yahay cudurka daacuunka ee dalka Yemen ay kor u dhaaftay labo boqol oo kun.

War ka soo baxay ururka caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay'adda carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in dalku uu wajahayo xaaladda daacuunkii ugu xumaa ee dunida soo mara.'

Labadan hay'adood ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay si weyn ula tacaalayaan joojinta xanuunka daacuunka ee ka dillaacay Yemen, kaasi oo si xowli ah u faafaya.

Hay'addaha ayaa ku howlan ka jawaab celinta daacuunka, waxaana shaqaalaha gurmadka la geeyay dhammaan xaafadaha, iyaga oo ku wacyigalinaya dadka sidii ay isaga ilaalin lahayaayeen xanuunka sida iyaga oo ku dadaalaya nadaafada keydsadaana biyo nadiif ah.

Balse kooxaha gurmadka siinaya dadka ayaa wajahaya caqabada waa weyn. Laba sano oo dagaal sokeeye uu ka soconayo Yaman ayaa dagaaladu waxa ay burburiyeen goobaha adeega caafimaadka iyo hanaanka fayadhowrka ee dalkaasi.

Cuno yari ba'an oo ka jirta Yemen ayaa sababtay nafaqa darro, ka dhigtay dadka Yaman gaar ahaan caruurta kuwa u nugul cudur kasta. Inka badan saddex boqol oo qof ayaa ilaa iyo haatan u dhimatay xanuunka daacuunka.

BBC

Related Articles

Trump Ma Ka Qayb Gali Doonaa Shirka G20 ee South Africa?

Bishii Maarso, Mareykanka ayaa eryay Safiirkii Koonfur Afrika ee Washington, Ebrahim Rasool, kaddib markii uu si kulul u dhaliilay Trump.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 04:34AM

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM