Ururka Daacish oo sii daysay wariye Kurdish ah

Image

24 September, 2015(GO)-Ururka ISIL ee ka dagaalama Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya ayaa sii dayay mid ka mid ah labo wariye oo ay qabteen sanadkii hore sida uu shaaciyay Telefishin ku hadlay afka Kurdiyiinta Ciraaq.

Wariye madax banaan oo lagu magacaabo Massoud Aqeel ayaa sii dayntiisa lagu badashay askar ka xirnaa ururka sida uu baahiyay telefishinka Rudaw Arbacadii.

Labada wariyee ayaa la xiray December 15-keedii xilli ay joogeen Waqooyiga Suuriya.

Ururka ISIL aya dilay tiro wariyaal ku sugnaa goobaha ay gacanta ku hayso sida Suuriya, Ciraq iyo Liibiya.

Bishii October 2014 ururkaasi ayaa wariyaal Ciraaqiyiin ah oo lagu magacaabi jiray Mohammad al-Aqidi, iyo Raad al-Azzawi ku dilay dhacdooyin kala duwan.

Sidoo kale saxafiyiin American ah ayaa ku dhintay gacanta ururkaasi, waxayna kala ahaayeen James Foley iyo Steven Sotloff, kuwaasi oo loo haystay afduub ka hor intaysan ku xoogaysan goobaha hadda ku suganyihiin Jun 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM