Ururka ISIS oo sheegatay weerarkii Faransiiska

Image

14 Novembar, 2015(GO)-Qoraal ka soo baxay ururka ISIS ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen weerar khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay dalkaasi, kaasi oo galaaftay nolosha in badan 150 ruux.

Bayaan uu soo saaray ururka ayaa lagu sheega inay  jawaab u yihiin weeraradan kuwo ururrada lagu hayo ee ka socda dalka Siiriya.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa ku dhawaaqay in dalka Faransiiska saddex maalmood oo barooridiiq ah loo sameyn doono dadkii ku dhintay weerarradii dalkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Hollande ayaa weerarkaasi ku eedeeyey ururka ISIS, isagoo ballan qaday in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii weerarradasi fuliyey.

Hollande, ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in la xiro dhammaan xuduudaha dalkaasi.

Weerarkan ayaa loo malaynayaa inay gaysteen saddex ruux oo ismiidaamiyaal kuwaasi oo qaybtood isgarxiyeen halka ciidanka amnigu toogteen haraadiga ragga weerarka fuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM