Ururka Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay go'aanka ICJ

Image

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweysay tallaabada Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ku ogolaatay inay qaado kiiska ku saabsan muranka dhanka badda ee dhexyaalla dalalka Somalia iyo Kenya.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit, ayaa sheegay inuu  ku faraxsanyahay tallaabada hormarka leh ee maxkamaddu horay u qaaday, isagoo xusay inay muhiim tahay sidii loo calaamadayn lahaa meelaha muranku ka jiro.

Aboul-Gheit, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in labada dal murankooda u maraan qaanuun caalami ah isagoo intaas ku daray inay ilaaliyaan saaxiibtinimada, walaalnimada iyo daris wanaaga ka dhaxeeya.

Isagoo sii hadlaya wuxuu muujiyay sida Ururka Jaamacadda Carabta u garab taaganyihiin dalka Somalia oo ku ammaanay hormarka iminka ay lugaha lasii galeen.

Xoghaya ayaa arrintan kaga hadlay war-saxaafadeed soo baxay maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay, kadib markii Khamiistii hore Maxkamadda ICJ aqbashay inay qaado dacwadda Somalia u gudbisay April 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM