CPJ oo shaacisay tirada wariyaasha la dilay 2015

Image

29 December, 2015(GO)-Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca Saxafiyiinta Caalamka ee CPJ ayaa soo saaray warbixin sanadeedkiisii, wuxuuna sheegay in sannadkan sii dhammaanaya ee 2015 dunida lagu dilay illaa 69 saxafi, halka xabsiga la dhigay illaa 199 weriye.

Ururka CPJ ayaa sheegay in dalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu dilay sannadkan uu ahaa Syria, halkaas oo la diiwaangeliyey in la dilay illaa 13 weriye.

Waxaa Syria kusoo xiga dalalka Faransiiska, Brazil, Yemen, Koonfurta Sudan iyo Ciraaq, oo ka mid ah dalalka suxufiyiinta ugu badan lagu dilay.

Dalka Soomaaliya ayaa ururku sheegay in sannadkan uu galay kaalinta sagaalaad marka laga hadlayo wadamada lagu laayey saxafiyiinta, waxaana ururku sheegay in sannadkan Soomaaliya lagu dilay 3 weriye.

Hindiya Xaaji Maxamed oo u shaqeyneysay Radio Muqdisho ayaa ahayd weriyihii ugu dambeeyey ee sanadkan lagu dilay Somalia, waxaana la dilay 3-dii December.

Xigasho: VOA

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM