USA: Boolis lagu laayay magaalada Dallas

Image

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxa ay ku warramaysaa in ugu yaraan 4 askari oo boolis ah lagu toogtay dibadbax loogaga soo horjeedo dhibaatada booliska oo ka dhacay magaalada Dallas, ee gobolka Texas ee waddanka Mareykanka.

Tobanaan rasaas ah ayaa la maqlayay, halka boolisku ay ku daba jiraan dad laga shakisan yahay. Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka toogashada ah ee maalmihii la soo dhaafay ay magaalooyinka Minnesota iyo Louisiana ay boolisku ku dileen laba nin oo madow ah ayaa waxaa lagu qabtay dhowr magaalo oo Mareykanka ku yaal.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in toogasho aan loo meeldayin ay walwal ku keeni karto dhammaan dadka Mareykanka.
Waxa uu sheegay in uu eex ka jiro hannaanka garsoorka ciqaabta taasi oo ay tahay buu yiri in xididada loo siibaa.

BBC 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM